Magaalada Jowhar ee Xarunta Mamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta la filayaa in ay gaaraan wufuud kala duwan kuwas oo kor joogto ka noqon doonaa doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee Maalinta berito ah ka dhaceysa Jowhar.
Warar ay heleyso Dalsan ayaa waxa uu sheegaay in Xubno ka socd Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay tegi doonaan Maanta Jowhar.
Sidoo kale waxaa Jowhar tegi doona qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo sidoo kale waxaa halkaasi gaari doona Wufuud ka socota Urur Goboleedka IGAD, si ay kora ugala socdaan qaabka ay u dhaceyso doorashada Madaxweynaha HirShabeelle.
Ammanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Amisom oo la geeyay Wadooyinka soo gala Xarunta doorashada ee Magaalada Jowhar.
Wariyaheena Magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in Musharixiinta Madaxweynaha ay xalay ilaa Maanta si kala Gooni Gooni ula kulmayaan Xildhibaanada Hir-Shabeelle si ay codka uga helaan.