Boqortooyada Morocco ayaa sheegtay inuu dhintay wiilkii Rayan ee laga soo saaray ceel uu ku go’doonsanaa.
Wiilkan oo 5 sano jir ah ayaa muddo cisho ah ku dhexjira ceelkan uu ku dhacay, waxaana shaqaalaha gurmadku ay sameeyeen hawl-gal adag oo ay wiilkaasi ku badbaadinayeen.
Boqortooyada ayaa sheegtay in Rayan uu geeriyooday inta aanay kooxaha samatabixintu ugu tagin godka uu ku xannibnaa.
Howlgalka samatabixinta ayaa dunida, gaar ahaa waddamada Muslimka si weyn looga daawanayay, iyagoo dadku ay ka welwelsanaayeen wiilkaasi, kuna duceynayeen in Alle isagoo badqaba bannaanka u soo saaro.
Waxaana xusid mudan in Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.
Boqorka Morocco ayaa u tacsiyadeeyay waalidka dhalay Rayan.