Wararka aynu ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in xalay wiil u dhalay gudoomiyihii hore ee Afgooye Cabdullaahi Cabdi Axmed  laga Afduubay degmadaas.
Waxaa la sheegay in kooxo Hubeysan ay xalay guriga kala baxeen wiilka, lamana oga ilaa iyo hada halka ay geeyeen, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan Afduubkaasi.
Ciidamada amaanka ee magaalada Afgooye ayaa wada Baaritaan, waxaana socda daadaalo laxariira sidii loo soo badbaadin lahaa wiilka gudoomiyhii hore ee Afgooye oo xalay kooxo Hubeysan ay ka afduubeen Afgooye.