Saxafiga caanka  ee Maxamed Aadan Xersi “Teera†ayaa saakayto ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda London.
Allaha U Naxariisto Marxuumka oo ahaa Rug-Cadaa’ Saxafadeed, waxa uu muddo dheer ka mid ahaa Suxufiyiintii caanka ahaa ee ka soo shaqeeyey Radio Mogadisho, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaraddii Warfaafinta ee xilligii Dowladdii Kacaanka.
Waxa uu mar soo noqday Agaasimaha Guud ee Radio Muqdisho iyo Agaasimaha Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Marxuumka waxa kale oo uu Weriyenimo uga soo shaqeeyey Warbaahino ay ka mid yihiin Radio Muqdisho, BBC London iyo Universal TV.
Allaha U Naxariisto Marxuum Maxamed Aadan Xersi “Teeraâ€. = Aamiin =