Waxaa Goordhow Xabsiga dhexe ee Xamar laga sii daayay Weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog Mediga ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaan ay xireen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda.
Warar lagu kalsoonaan karo oo helnay ayaa sheegaya in Weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah Tafatiraha warbaahinta Goobgoog lagu sii daayay qaab damiin ahaa, waxaana arrintaaas ka shaqeeyay Mas’uuliyiin kala duwan.
Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah qoraa xirfadle ah ayaa mararka qaar qori jiray warbixino iyo dhacdooyin  kala duwan  oo ay dowladda u aragtay qalad, waxa uuna wariyaha marar badan qoray warar aysan dowlada jecleesan.
Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Weriyeyaal ayaa inta uu xirnaa Wariye Gurbiye u doodayay in xabsiga laga sii daayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in shalay Muqdisho ay banaanbax ka dhigeen qaar kamid ah Wariyeyaasha.