Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweynta wefdi ka baxaya magaalada Muqdisho kuwaas oo iskugu jira Musharaxiin dhawaan isi shaciyay iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.
Musharax Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) oo dhawaan magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay musharxnimadiisa madaxweynaha Galmudug  ayaa maanta ku wajahan Dhuusa Mareeb waxaana la dareemayaa qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Wefdigiisa ayaa waxa qeyb ka noqonaya sida ay wararku sheegayaan xildhibaano ka tirsan labada aqal u jeedada uu halkaas u tegayana waa in uu kaga dhawaaqaa musharaxnimadiisa Galmudug.