Weerarkan waxaa loo adeegsaday Virus, markii hore laga xaday hay’adda Nabadsugidda maraykanka ee magaceeda loo soo gaabsho NSA.
Weerarka waddamada uu aadka u saameeyay waxaa kamid ah Russia, Ukraine iyo Thailand.
Sidoo kale qaar kamid ah isbitaalladii dalka Britain ayaa la curyaamiyay kadib markii la fariisiyay aaladihii ay ku kaydsanaayeen macluumaadka bukaanka.
Soomaaliya waa ay ka badbaaday weerarradan maadaama aysan hay’adaha dawladdu jirin wax macluumaad ah oo ugu kaydsan dhanka Computerarrada.