Rag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar khasaaro geestay ku qaadeen deegaano ka tirsan Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari Gudaha dalka kenya.
Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jillow oo ku dhow Magaalada Madheera,waxana la sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen laba qof oo Shacab ah halka weli la la’yahay laba Askari oo la xaqiijiyay in ay kamid ahaayeen Ciidamada Booliiska dowladda kenya kuwaas oo ku sugnaa goobta la weeraray ee Cumar Jillow oo ku tirsan Magaalada Madheera.
Inta uu weerarka socday ayaa waxaa kala cararay dadkii ku sugnaa Goobta kuwaas oo u badnaa dad Shacab ah oo Ganacsato ahaa waxaana weli xiran Goobihii Ganacsi ee ku yaalla deegaanka Cumar Jillow,iyadoo haatan la dhoobay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa kenya.
Al-Shabaab ayaa hdowr mar weerar ku qaaday deegaanka Cumar Jillow ee Gobolka Waqooyi Bari  dalka Kenyaa waxana weli sidoo kale jirin cid ka hadashay weerarkaas oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab intaba.