Ciidamada ammaanka ee dalka Tunisia ayaa waxay sheegeen in askari booliis ah ah la dilay mid kalana lagu dhaawacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaala xeebeedka Sousse.
Saddex qof oo laga shakisan yahay ayaa gaari ay wateen jiirsiiyay bar-kontrol oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka dalkaasi.
Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada qaranka ayaa sheegay in labo askari tooreey lala dhacay islamarkana mid ka mid ah askartaasi uu dhintay, halka mid kale laga daweynayo dhaawacii soo gaaray.
Bayaan ay soo saartay wasaarada arriimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa lagu sheegay in dadka looga shakisan yahay inay mintidiin yihiin weerarka ka dib ay ceyrsadeen booliiskii ka agdhawaa goobta uu weerarka ka dhacay.
Is risaasayn dhex martay ragga weerarka fuliyay iyo booliiska ayaa waxay wasaradu sheegtay in saddex ka mid ah dadkii weerarka geystay lagu dilay .
Saraakiisha dalkaasi ayaa weerarkan ku tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso.
Ma cadda ilaa iyo imika in dadka weerarka geystay ay yihiin kuwa ku xiran ururada xagjirka ah iyo in kale.