Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa waxay sheegayaan in weerar culus lagu qaaday Raadiyaha iyo Tv-ga dowladda dalkaasi weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan iyo burburka qeyb kamid ah Qalabka Tv-ga uu ku Shaqeeynayay.
Weerarka ayaa ku bilaawday mid qaarxyo loo adeegsaday waxana Xarunta tv-ga Gudaha u galay Sadax Nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa,waxana la shegay in weerarkaas ay ku dhinteen ilaa 9 ruux halka ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda dalkaasi Afgaanistaan.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Afgaanistaan ayaa isku gadaamay Xarunta Tv-ga kuwaas oo rasaas ku furaya dadkii goobta weeraray qaarkood oo la sheegay in ay weli ku harsan yihiin.
Weli Saraakiisha Ciidamada dowladda Afganistaan weli siwanagsan uma faah faahin qaraxaas.