Wararka aan ka heleyn duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal Culus, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Uganda ay ku leeyihiin deegaanada Mashallaay iyo Golweyn ee duleedka Degmada Qoryooleey.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay maqlayeen Jugta rasaas xoogan oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay duleedka Degmada Qoryooleey, iyagoona xusay inay ku dileen 4 askari Yugaandheys ah iyo Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM weerar kadib ay madaafiic ku garaaceen dhul beereed ku dhow Qoryooleey, welina lama oga Khasaaraha ay geysteen madaafiicda.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Uganda oo ku aadan wararka sheegaya in Afar Askari looga dilay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.