Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka New York ee dalka Mareykanka. Weerarka ayaa ka dhacay guri uu leeyahay wadaad Yuhuud ah, waxaana halkaasi ka dhacaysay markii la weerarayay munaasabad xus ahayd. Ninkii weerarkaasi geystay ayaa sida la sheegay la soo qabtay.
Weerarku waxaa uu ka dhacay guri ku yaala deegaanka Monsey, ee ku yaala waqooyiga magaalada New York sida ay sheegeen Golaha Bulshada Yahuudda ah xilli ay socotay xaflad diini ah.
Ninka weerarka qaaday ayaa baxsaday balse markii dambe waa la qabtay sida ay sheegeen Boolisku. Ujeedda weerarkaan laga leeyahayna ilaa haatan ma cadda.
Qof ka mid ah dadka dhaawacu soo gaaray ayaa lix jeer la galiyay tooraydda sida ay sheegeen Golaha Bulshada Yahuudda