Gelinkii dambe ee Maanta ayaa dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Boola-fuuliyo,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal in ku dhow saacad socday.
Dadka Xaafada dagaalka uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen hubka la isku-adeeg sanayay dagaalka,sidoo kalena uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.
Dhinaca Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaar siiyeen.
Wararkii ugu dambeeyey ee Caawa degmada Afgooye aan ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in howlgallo ay ka socdaan,waxaana la soo sheegayaa in cabsi dagaal ay ka jirto degmadaas.