Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaya Gaari lagu rasaaseeyay qeybo ka mid ah gobolka Mudug, rasaastaas oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga ayaa la sheegay in xiliga la rasaaseynayay uu marayay inta u dhaxeysa deegaanada Ganafale iyo deegaanka Godod ee Gobolka Mudug.
Kooxo hubeysan oo Wadada u galay gaariga aya rasaasaaseeyay,waxaan rasaastaas ku dhintay Saddex qof oo rag ah waxaana ku dhacmay qof haweeney ah dadkii rasaaseeyayna weey carareen sidasi waxaa Dalsan u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Godod.
Gaariga ay dadkaan saarnaayeen ayaa la sheegay in uu gebi ahaanba gubtay,kaas oo ka yimid  markii  hore degmada Jariiban ee isla gobolka Mudug.
Waxgaradka Gobolka Mudug qaarkood ayaa falkaan walaac ka muujiyay iyaga oo shegay in arintaan ay caqabad ku noqonayso heshiisyadii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kuwadda galeen Galmudug iyo Puntland.