Wakaalada wararka ee Amxaaradda ee Mass Media Agency ayaa ku warrantay in gelinkii dambe ee shalay Ciidanka Tigree-ga ay dad shacab ah oo farabadan ku xasuuqeen deegaanka Mykadra oo 30 KM kaliya ujirta Magaalada Humira.
Dadka la laayay oo ahaa shacab ah ayaa la sheegay in bareer ah ah loo toogtay, waxaana lagu qaaday weerar rasaas loo adeegsaday, kuwaasi oo la xusay in aysan qeyb aheyn dagaalka u dhexeeyay Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga.
Ugu yaraan 500 qof ayaa la soo weriyay in Ciidanka Tigree-ga ay dileen, isla markaana waxaa la sheegay in weerarkaas dadka lagu laayay uu yimid, kadib markii Tigree-ga lagala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Humira.
Deegaanka Humira ayaa waxaa uu Ciidanka Tigree-ga u ahaa marin muhiim ah oo loo marsiin jiray Sahayda Shidaal ee ka timaada Suudaan, hayeeshee Ciidanka Milateriga Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay.
Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Qowmiyada Amxaaradda Agegnehu Tesahger ayaa ka hadlay weerarkii lagu laayay dadkii shacabka ahaa, wuxuuna sheegay in xasuuqaas uu ahaa mid ka baxsan sharuucda dagaalka, loona geystay Qowmiyadiisa.