Rag  hubeysan ayaa Duhurnimadii Maanta wax ay weerar ku qaadeen askar ku sugneyd Gudaha suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdushi,waxana la sheegay in weerarkaas laba askari lagu dilay.
Ciidamada ayaa ku sugnaa Busteejada laga raaco gaadiidka aada Magalada Baydhabo ee suuqa Bakaaraha,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in raga weerarka geystay oo bustoolado ku hubeysnaa ay dilen laba askari halka israsaaseyn dhex martay uu ku geeriyooday qof Shacab ah.
Kooxdii ka dambeysay dilka askrataas labada gaareysa ayaa goobta ka baxsaday,waxan durbadiiba soo agaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo howlgalla baaritaano ah ka sameeyey goobtii uu dilka ka dhacay.
Laamaha amniga Soomaaliya kama hadlin dilkaas loo geystay askarta,waxa uuna ku soo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegtaan in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.
Xalay Muqdisho degmooyin ka tirsan waxaa ka socday howlagllo baaritaano ah oo ay wadaan Ciidamada xasilinta Caasimadda howlgalkaas oo aan weli la sheegin wax lagu soo qabtay.