Ismaan dhaafka Siyaasadeed ee Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa xoogeystay horaantii Bishaan kadib Shirkii Kismaayo ay ku yeesheyn Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada, Qaar kamid ah Waxgaradka Somalida ayaana ku baaqay in ay xal laga gaaro Khilaafka Siyaasadeed, Caaqil Khaalid Cabdi ayaa kahadlay Caqabada jirta isaga oo soo hadal qaaday matalaata siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.
Ugaas Cabdi Daahir oo kamid ah Waxgaradka Somalida ayaa dhankiisa kahadlay waxa laga bartay Khilaafaadka Siaayaseed  iyo waxa uu yahay Doorkooda isaga oo sheegay in aan xal lagu heleyn khilaaf balse ay taageerayaan in laga wada hadlo waxa laisku hayo.
kulanka waxaa kasoo baxay warsaxaafaded lagu qeexay aragtiyada ka timid waxgaradkii kulmay, waxaana uu ka koobnaa dhowr qodob oo la xiriira khilaafka Siysadeed iyo talo soo jeedin.
Kulankan ayaa kusoo beegmay xili Muqdisho ay ku sugan yihiin Hogaamiyaasha Dowlad Goboleedyada si looga arinsado khilaafka Siyaasadeed ee soo kala dhexgalay labada dhinac, dadka naqsiyada siyaasada Dowlada federalkana waxa ay leeyihiin dowlada waxa ay ka gaabisay latashiga dowlad goboleedyada iyo in uu hagaago xiriirka ka dhaxeeya .
Halkan ka dhageyso Warbixinta: