Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shiikh Sharif sheikh axmed ayuu ku ugu baaqay dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.
“Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka “ayu si raaciyey Sheikh Shariifâ€
Sidoo kale waxa  uu ku baaqay isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.