Wiil dhalinyaro 21 jir ah ayaa geeriyooday ka dib mrkii uu dardaray gaari aan darawal lahayn kaa oo laga hagayey Remote Control
Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Meykal Kozanofij ayaa si kama ah ugu geeriyooday shilkan oo uu sabab u ahaa Remote Control laga xukumayay gaariga dilay
Ciidamada Poliska waxa ay sheegeen in wiilkan uu taagnaa laba gaari dhexdooda , laakin uu ku dhex xayirmay ka dib markii mid ka mid ah Gawaariadan lagu soo kaxeeyay Remote Control uu ku dhejiyay kan kale
Dadka marayay hareerta waddada ayaa isku dayay in ay bad baadiyaan wiilkan laakin kuma guuleeysan oo waxaa dhacday in si awoodd badan loogu dhiftay wilkan gaariga Remote laga hagayay taas oo keentay in uu u geeriyoodo
Poliska waxa ay sheegeen in ninkan uu indha indheynayay mid ka mid ah labadan gaari si uu u iibsado laakin tijaabadii midka uu doonayay uu kala kulmay dhibaatadan sababtay geeridiisa .
Shirkadda Soo saartay gawaariada Remote laga hago ayaa kaga digaya macaamiishooda in ay u isticmaalaan ka xeynta gawaaridooda, iyaga oo sheegay in dhibaato ay kala kulmi karaan dadka .