By; Hinda Abdi Mohamud & Ifrah Isse Mohamed
WARBAAHIN OO CAALAMI AH : In waxyar ka badan labo (2) sano ka hor ma jirin wax la yiraahdo Bilan Media. Hadda kooxdeena yar oo ka kooban lix gabdhood oo suxufiyiin ah oo ku sugan Muqdisho, Soomaaliya waxa ey kaso muuqdeen masraxa caalamiga ah iyaga oo ku guuleystey abaalmarinta Hal-abuurka Saxaafadda Xorta ah ee Warbaahinta Adduunka oo tartankeedu aad u adkaa una heer sareeyay.
Mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan adduunka in lagu noqdo suxufi, kaba sii daran haddii aad tahay qof dumar ah, abaalmarintani waxa ey inooga dhigantahay wax ka badan abaal marin koob. Ma aha oo kaliya aqoonsiga heerka eynu gaarnay balse waxa ey cadeen u tahay sidda ey inooga go’an tahay suura gelinta saxaafad aan cabsi laheyn misane xor ah.
Marka laga sootago kor u qaadista sumcadeena, abaalmarintani waxaa kaloo ey sare u qaadaysaa in eynu soo gudbino oo aan ka warbixino codadka bulshooyinka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo oo ey xoogga saareysaa muhiimadda ay xorriyadda saxaafaddu u leedahay ku shaqeeynta xaalad adag. Doorka Bilan waa in ey soo gudbiso xaqiiqda iyo in ey cod siiso dadka aan codka lahayn, inkastoo aan la kulano khataro maalinle ah inta aan ku gudda jirno shaqaddeena. Dalka Soomaaliya waa iska caadi in suxufiyiintu ey wajahaan cabsi gelino, xarig iyo xadgudub.
Xorriyadda saxaafaddu keliya ma’aha xuquuq; waxa ey furre u tahay dimuqraadiyadda waxa eyna horseedaa horumarka bulshadda. Waxa eynu aragnay sida warbixinteena ku aadan arrimaha la-xariira sida baraska, AIDS-ka iyo HIV-ga, hooyooyinka agoomaha ah iyo yaraanta waxbarashada ee nadaafadda caadada ay u beddeleen hab-dhaqankii iyo ballanqaadyo isbeddel ah oo ka yimid laamaha dawladda.
Waxaa qasab ah in eynu la xisaabtanno kuwa madaxda ah, anagoo si joogto ah su’aalo uga weydiinno in ey ballanqaadyadaas fuliyeen iyo, haddii kale, waqtiga ey qorsheynayaan in ey fuliyaan.
Abaalmarintan kaliya ma eysan abuurin in Bilan usoo bandhigto caalamka -waxa ey ku dhiiri galisay sauxufiyiinta kale ee Soomaaliyeed in ey ku dadaalaan sidii ay aqoonsi kan la mid ah u heli lahaayeen. Abaalmarinta Xoriyadda Saxaafada waxa ey kawada dhaxeysaa dhammaan suxufiyiinta dalka Soomaaliya kuwoodaa raadiya misane soo gudbiya xaqiiqda.
Waxyaabaha kale oo la taaban karo oo ey abaal-marintan inoo horseeday ayaa ah in ey wax ka bedeshay sida ey dadka Soomaaliyeed u arkaan Bilan. Qaar badan oo bulshadeena ah, oo ey ka mid yihiin xubnaha qoysaskeena iyo asxaabteena, ayaa la dhacsaneyn oo xitaa cadaawadeeyay, shaqadeena. Ku guuleysiga abaalmarinta ayaa door weyn ka ciyaartay in aan hanano ixtiraamka iyo taageeradda bulshadda. Bilan waxa ey u suurta gelisay suxufiyiinta dumarka ah ee ku sugan Soomaaliya in ey sheekoyinkooda uso gudbiyaan warbaahinadda gudaha iyo kuwa caalamkaba. Shaqaalaha dumarka ee ka howlgala warbaahinadda ayaa inta badan la takooraa misane la dhibaateeyaa.
Hadda waxa aan heysanaa madal aan ku go’aansan karno waxa aan doonayno in aan ka warbixinno iyo meesha aan ka qaadan lahayn sheekooyinka. Waxaa jirta, si ka duwan inta badan warbaahinta Soomaalida, in eynaan diiradda saarin siyaasadda iyo khilaafka. Marka aan duubno, qorno oo aan tafatireyno sheekooyinkeena isla inaga, waxaan haysanaa xakameyn buuxda. Goobteena shaqadda oo awood u leh ayaa noo suurtageliyay in aan iftiimino sheekooyin gaar ah, iyo kuwo taban iyo kuwo togan.
Shaqadeena waxa ey noqon kartaa mid adag oo niyad jab leh. Waxa aan si maalinle ah ula kulanaa caqabado oo ey kamid yihiin in nalagu aflagaadeeyo doorashadeena saxufinimadda taasoo dad badani ey u arkaan xirfad aanan logu tala gelin dumarka. Waxaa nala waydiyaa sababta aan guriga aanan u joogin oo aanan ugu koobneyn howlaha guriga sidda in aan cuntadda karino, guriga nadiifino iyo in aan caruurta xanaaneyno ama aan heyno.
Ku guuleysiga abaal marinta saxaafad xor ah waa eyna dardargelisay, niyadana ineegu dhisantay misane waxa ey nagu dhiiri galineysa in aan sii wadno raadinta xaqiiqadda iyo in aan fursad usiino dadka la hayb sooco ee bulshadeena in ey soo gudbiyaan sheekooyinkooda.