Wasiiru dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud Xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda.
Axmed Cabdi Qoor-qoor oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa sababta uu isku Casilay ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.
Musharax Qoor-qoor ayaa u mahadceliyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay mudadii saddexda sanno aheyn ee uu lasoo shaqeeyay.
Musharax Qoorqoor oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Musharax ay sigaar ah u taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.