Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya danjire David William Concar iyo Masuulyiin kale.
Ujeedka socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimha dibadda Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ah sidii kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta taageerada Dowladda Britain ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda ula yeelan lahaayeen Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ka mid tahay dowladda Soomaaliya saaxiibka dhow la ah, iyadoo taageero dhinacyo kala duwan ah siisa Soomaaliya, oo ay kamid yihiin sugidda Amniga dalka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Xigasho Sonna