Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China, Mudane Qin Jian, iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka China waxa ay fallanqeeyeen arrimaha labada dal muhiimadda u leh, sidoo kale waxa ay isla eegeen hiigsi cusub oo looga dhabaynayo iskaashi sal ballaaran iyo xiriir dhow oo ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah si loo xoojiyo howsha laba geesoodka ee dhinacyada kala duwan leh.