Dawladda Kenya ayaa joojisay dal ku galka laga qaato garoonka diyaaradaha (Visaha On Arrival) oo looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaannada ,wasiirrada dowladda Soomaaliya  iyo madaxda dowlad-gobolleedyada,iyadoo aysan jirin wax ogaansho hore ah oo ay go’aankan ka bixisay Kenya.
Talaabadan  waxa ay  saameysay ilaa hada  wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa la xaqiijiyay wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare inay caawa ku xaniban yihiin garoonka diyaaradaha Nairobi ee Joma Kenyatta, kaddib markii loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.
Dawladda Kenya ma aysan faahfaahin go’aanka ay sida dhaqsada ah ku qaadatay waxa dhaliyay iyo sababta aysan wargelin hore uga soo bixin, iyadoo dhinaca dowladda Soomaaliya aysan ka soo bixin warbixin looga falcelinayo go’aanka Kenya.
Go’aankan wuxuu ku soo aadday xilli dhowaan ay Kenya ka baxday heshiis labada dal u dhaxeeyay oo la xiriiriyay duulimaadyada tooska ah,waxaana diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu qasbay inay sii maraan magaalada Wajeer.
lo ku dhaw dhaw safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa Dalsan u sheegay in aysan wax ogeysiin ah ka heining Kenya ilaa hada oo arinkaan ku Adan