Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah kulan ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa la filayaa in uu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii dhawaan oo ay u yeereen Xildhibaanada.
11-Xildhibaan ayaa Mooshin ka gudbiyay Wasiir Maareeyee, waxaana laga dalbaday in Maanta oo Axad ah uu horyimaado Golaha Shacabka, iyagoona su’aallo weeydiin doona Wasiirka, kuwaasi oo la xiriira dhanka Shaqada Wasaaradda Warfaafinta.
Xildhibaanada Golaha shacabka qaarkood ayaa Warbaahinta dowlada ku eedeeyay in aysan dhax dhaxaad ka aheyn doodaha Xildhibaanada.
Kulankan Maanta ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.