Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana inta uu socda si weyn looga hadli doonaan arrimahaasi iyo sida ugu fudud ee dowladdu ay arintaan wax uga qabankarto.
Sababta ugu weyn ee shirkan ayaa ah in maalmihii dambe ay soo badanayeen lacago dowladdu xad dhaaf u aragtay oo canshuur ahaan usoo galayey dowlad-goboleedyada dalka,dowladda Soomaaliya ayaana hadda dooneysa in arintaa ay xal u hesho.