Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay ka hortega Askareynta Carruurta.
Waxaa uu sheegay Wasiir Xasan Xuseen in sharciyada Caalamiga ah iyo xeerarka u yaalla dalka ay mamnuuceen in Carruurta la Askareeyo, isla markaana muhiim ay tahay in la dhowro Xuquuqda Carruurta ay leeyihiin.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay inay aad uga shaqeeyeen ka hortega Askareynta Carruurta Soomaaliyeed, ayna horey uga soo saareen Habraacyo laga dhaqan geliyay Talisyada Ciidanka Xoogga dalka.
“Diinteenna islaamka ayaa na fareysa in la dhowro xuquuqda Caruurta, ka Wasaarad ahaan waxaan aad ugu shaqeynay ka hortagga Askareynta Caruurta, waxaan ka soo saarnay Habraacyo laga dhaqan-galiyay Talisyada Ciidanka XDS , dalka waxaa uu leeyahay sharciyadii ilaalin lahaa Xuquuqda Caruurta” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen oo ka hadlaayay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga shaqaaleysiinta Carruurta 12 June.
Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in Hay’addaha dowladda iyo Wasaaraddaha Xukuumadda looga baahan yahay in ay iska kaashadaan ka hortega Askareynta Carruurta, ayna dhankooda diyaar u yihiin ilaalinta xuquuqda Carruurta.