Eng. Cabdi Canshuur Xasan wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta ayaa shaqada ka joojiyey Ku simihii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi isaga oo magacaabay ku sime cusub.
wasiirka ayaa shaqa ka joojintan ku macneeyey in Agaasimuhu uu fullin waayey talooyin badan oo ku saabsan toosin masuuliyadeed oo ay la wadaageen masuuliyiinta kale ee wasaaradda.
waxa uu si gaar ah wasiirku u carabaabay in Ku simihii Agaasimuhu uu ku kacay cuuryaamin shaqo uuna ka qeyb qaadan waayey diyaarintii sharciga isgaarsiinta.
hoos ka eeg warqadda kasoo baxday wasiirka.