Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.
Safarka Wasiir Sabriye ee dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubno katirsan dowladda oo ku sugan halkaas.
Ujeedka Dhuusamareeb u tegay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa tahay sidii uu ula socon lahaa uuna Goobjoog uga noqon ahaa Arrimaha Doorashada Galmudug oo dhici doonta Bisha soo socota, isla markaana uu Guddiga ula shaqeyn lahaa howlaha Doorashada.
Guddiga Doorashada ayaa dhawaan shaaciyay in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ay bilaaban doonto 29-ka Bishan oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxaana soo xulista Xildhibaanada ay ku egtay 9-ka Bisha soo socota ee December 2019.
Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalihii la soo dhaafay waxaa kulan uga socday Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca, iyagoona ka arrinsanayay Arrimaha Doorashada Galmudug.
Weli ma jiro wax xal ah oo laga gaaray Khilaafka u dhexeeya Hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan fulinta heshiis ay horey uga wadeen labada dhinac, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug Ahlusunna laga siiyo 35 Xildhibaan.
Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culeys kala kulmeysa xiligaan Ahlusunna oo ku aadan dhinaca Doorashada Galmudug, iyadoo aysan weli xal rasmi ah oo laga gaaray Cabashada Ahlusunna ay ka qabto arrimaha Doorashada.