Dadka deggan magaalladda Al-cariish ee Waqooyiga dalkaasi ayaa ku eedeeyey Wasiirkaasi inuu ka dambeeyey falkii ay Ciiddanka Masar dhawaan ku dileen 10-dhallinyaro oo aan ka tirsanayn Kooxaha Dagaalama.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo madax u ah Ciiddanka Ammaanka ayaa Jimcihii sheegay in ay Ciiddanka Ammaanka dileen dhallinyaradaasi, kuna tilmaamay inay Argagixiso ahaayeen.
Dadka deggan Al-cariish ayaa sheegay in 6 ka mid ah Dhallinyarada la dilay ay Ciiddanka u xirnaayeen muddo dhowr bilood ah, isla markaana aysan ahayn Argagixiso.
Waxay ku baaqeen in Maxkamad la soo taago Askartii ka dambeysay dilkaasi iyo in xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar iyo inay is wada casilaan Xildhibaanadda Barlamaanka ee laga soo doortay Degaankooda.
Degmadda Al-cariish iyo Waqooyiga Siinaay waxaa deggan Qabaa’ilo Reer Baadiyo ama Badawiin ah, waxaana xumaa xiriirka ay la lahaayeen Dowladda Dhexe muddo sannado ah.
©Radio Dalsan