Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garad Cumar ayaa mudo Saacado kadib waxa uu ka hadlay weerarkii Hoyga Cabdirxmaan Cabdi Shakuur isaga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.
Wr Qoraal ah uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ugu baaqay cid alaalla iyo cidii uu saameeyay weerarkii dhacay iyo khasaaraha ka dhashay in ay isdejiyaan.
Hoos Ka Akhriso Warka Qoraalka ah ee uu soo dhigay Bartiisa Facebook.
“Waxaan ehelkooda uga tacsiyeynayaa wiilasha ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ku dhintay gacanta ciidammada ammaanka ee Dowladda.
Waxaan leeyahay Allah ha u naxariisto, qoysaskooda iyo ehelkoodana Samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.
Waxaan ehelka wiilasha, ehelka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadweynaha Muqdisho ee howlgalkii xalay uu toos ama si dadban u saameeyay ugu baaqayaa degganaan.
Dhib iyo gef kasta oo la tirsanayo waxaan ku baaqayaa in xalkooda lagu doono dariiq sharciga waafaqsanâ€