Wasiir islow, ayaa waxaa xusay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, islamrkaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed oo ay dhalinyarado badan ay fursad ugu  helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.
â€waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada†ayuu yiri wasiir islow .
Maxamed Abukar islow, waxaa  uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.