Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyay in Amarka xalay uu soo saaray ee Hay’adda NISA ee ku aadan in Ciidankeeda kala baxdo Garoonka Aadan Cadde uu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ee NISA.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka amniga ayuu ku sheegay in Isbedelka la xiriira Ciidanka NISA ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu quseeyo Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala gudaha Garoonka gaar ahaan Terminal-ka
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa caddeeyay in Amarka uu soo saaray uusan quseeynin Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
“Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka)…Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde†ayuu yiri Wasiirka amniga.
Wasiir Cabdullaahi ayaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Fareey faray inuu mas’uuliyadda Amniga ee Ciidanka NISA ka hayeen Garoonka diyaaradaha ay ku wareejiyaan Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan Ciidankii ka howlgalayay halkaas .
Wasiirka ayaa sheegay inay soo bateen cabashooyinka ay NISA kasoo gudbiyeen hay’addaha dowladda ee ka howlgala gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana ay ku kaceen xadgudubyo kala duwan, waa sida hadalka loo dhigay
Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane.