Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow shaaciyay in saakay xabsiga uu ka baxsaday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur Janaan, kaasi oo muddooyinkii dambe u xirnaa dowladda Federaalka.
War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saakay ka baxsaday halkii ku xirnaa.
Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa tilmaamtay in hay’addaha amniga dowladda ay ku raadjoogan Wasiirka amniga dowladda Goboleedka Jubbaland, isla markaana uu socdo howlgal kala duwan.
“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan†ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiir Janan ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, waxaana dowladda ay sheegtay in loo heystaa danbiyo kala duwan uu ka galay shacabka Gobolka Gedo.