Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka dhexmaray Wasiir Cawad iyo Raychelle Omamo ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal oo ku saleeysan dhinacyo badan.
Sidoo kale kulanka labada Wasiir ayaa waxaa qeyb ka ahaa diblomaasiyiin labada dhinac ka kala socotay, waxaana la isla gartay in xal laga gaaro arrimaha ka jira xuduudka labada dal.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho ku tago Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaddib markii uu aqbalay martiqaad uu u soo diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta.