Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Maanta oo Arbaco ah Magaalada Muqdisho dhiggiisa Denmark, Mudane Jeppe Kofod, oo dalka ku yimid booqasho hal maalin ah.
Kulanka ayay uga wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyo badan oo nacfi wadaag leh, si gaar ah wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo kala duwan leh oo cusub oo u dhexeeya Soomaali iyo Denmark. Waxa kale oo ay isla eegeen horumaradii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo arrimaha siyaasadda iyo nabadgelada gobolka iyo dunida ee labada dal muhiimadda u leh.