Maalmihii la soo dhaafay waxaa Warbaahinta Bulshadda aad u qabsaday Qoraal la sheegay in uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Yuusuf Garaad Cumar Axmed soo dhigay Bartiisa Facebook, oo uu kaga codsaday Dowladda Qatar inay DFS ka taageeraan sidii uu Musharaxa Xisbiga Waddani, C/raxmaan Cirro ugu guuleysan lahaa Xilak Madaxweynaha Somaliland ee soo socota.
Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu iska fogeeyey Sugnaansha Qoraalka lagu sheegay inuu isagu u diray Dowladda Qatar.
Hadal qoraal oo uu Wasiirku ka soo saaray Qoraalkaasi  waxa uu ku caddeeyey in laga been abuuray Qoraalkaas iyo Saxiixiisa oo la soo min-guuriyey.
Waxa kale oo uu sheegay in qaladaad dhinaca  Naxwa ahaan (Grammatical errors) ku jiro Qoraalka isaga looga been abuuray.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee DFS waxa kale oo uu xusay in Qoraalka isaga looga been abuuray lagu qoray in Qoraalkaasi soo sartay Dowladda KMG ee Somalia, taasi oo uu xusay inay tahay been cad, maadaama Dowladdii KMG xilligeedii dhamaaday sannadkii 2012-dii.
Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay in Qoraalka Been Abuurka ka muuqdo qalad qaabka loo qoro magaca Wasaaradda iyo magaciisa iyo weliba Saxiixa Been Abuurka ee lagu sheegay inuu yahay saxiixiisa.
Ugu dambeyntii, Wasiir Yuusuf Garaad waxa uu sheegay inuusan doonayn inuu dib u naqdiyo qoraalka daciifka ee isaga looga been abuurtay, wuxuuna intaasi ku daray inuu qof kasta u caddaynayo inuu Qoraalkaasi ahaa mid Been Abuur (Fake) ah.