Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Gaadax Barre ayaa waxaa uu ka hadlay xiisada dhaqaale ee u dhexeeysa Puntland iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay Wasiir Goodax Barre inuu aad uga walaacsan yahay xiisada dhinaca Ganacsiga ee dhaqaale didirka ee soo kala dhex-gashay Puntland iyo Maamulka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Saciid Deni.
Wasiir Goodax Barre ayaa waxaa uu nasiib darro uu ku tilmaamay in Puntland ay cunaqabateen dhanka raashinka duruuriga ah ay saaraan deegaano isticmaalo Dekedda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka ayaa waxaa uu ku sheegay in tallaabada ay qaaday Puntland ee dhinaca Ganacsiga ay ka dhaqalan karto  cunaqabateen dhaqaale ee Goboladu isku soo rogaan, taasi oo uu xusay inay cuuryaamin doonto nolosha muwaadiniinta.
“Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalankara cunaqabateen dhaqaale ee Goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu dambayntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland, Waxaa ila haboon in dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta Maamulka Hiiraan aysan duldhigin cunaqabateen dhaqaale†ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.
Si kastaba hadalka Wasiirka ayaa waxaa uu kusoo iyadoo uu shalay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ku hanjabay inay Jawaab aden ka bixin doonaan hadal kasoo yeeray Madaxweyne Deni oo ahaa in Raashinka yaalla Puntland aan loo iib geyn karin meel kale.