Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiir Sabriye ayaa hada ku sugan Magaalada Muqdisho,isagoona dib uga soo laabtay Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa,isla markaana ka soo qeyb qaatay Wadahadallo dhexmaray Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Warar laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi Maanta ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweeynta Wafdiga uu hogaaminayo Cabdi Maxamed Sabriye oo saacadaha soo socda tagayo halkaas.
Sidoo kale Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo dhawaan uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,isla markaana waxaa dib u dhis lagu bilaabay Xarunta lagu qaban doono Shirka.