Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta Soomaaliya uu isaga tegay  u tartamida Xubin ka banaan Golaha Shacabka.
Khamiista Berito ah ayaa la filayaa in ay Kismaayo ka dhacdo doorashada oo ay ku tartami doonaan Shaqsi malxiis ah iyo Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo booskaasi ka geeriyooday kadib markii tartankas uu ka haray Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi.
Wararka ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi uu tartankaas isaga haray kadib cadaadis soo wajahay sida ay Dalsan u xAqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Xubinta Xildhibaanimo ee uu  ka geeriyooday Marxuum Cabaas Siraaji oo la dilay 3-dii bishii May ee Sanadkii tegay ee 2017 ayaa ka mid aheyd Xubnaha ka banaan Golaha Shacabka.