Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal puntland ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Wasiirada Maamulkaas ee Maanta la magacaabay uu diiday in loo dhaaro xilkii  loo magacaabay.
Cabdi xeri Cali Khaqjab oo loo Magacabay wasiirka Wasarada Warafafinta Maamulka Puntland,ayaa Maanta diiday in uu ka mid noqdo wasiiradii loo dhaarinayay xilkaas.
Warar Maanta soo baxayay kadib Magacaabsitiisa ayaa waxa ay sheegayeen in uu xilkaas ku qanacsaneyn islamarkaana laga yaabo in uu iscasilo,in kastoo weli uusan isaga ka hadlin.