Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Cali Cumar (Caananug) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Wasaaradda Gaadiidka, isagoona ka hadlay sababta is casilaadiisa.
Qoraal uu soo saaray Xildhibaan Caananug ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay, kadib kaddib markii uu u dulqaadan waayay ku takrifal awoodeed ay wado wasiirka wasaaradda, sidoo kale wax laga qaban waayay cabashooyin badan.
“Ugu hareyn mahad oo dhan waxay usugnaatay Allaah SWT, marka xigtana waxaan u mahadnaqaa dhamaan shaqaalihii iyo saaxibadii ila shaqeeyay muddadii aan xafiiska joogay†ayuu yiri Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay Xil. Maxamed Cali Cumar (Caananug) in Wasaaradda Gaadiidka ay noqotay mid lagu meel fool xumeynayo Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaraddaasi.
“Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada†ayuu sii raaciyey.