Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Dowladda Hoose ee Xamar ay Ganaax lacageed ku ganaaxsaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur.
Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah kadib markii sida la sheegay Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin,sidaasna uu ku bixiyay lacagtii lagu Ganaaxay.
Waa markii ugu horeysay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre lacag lagu Ganaaxi isla markaana uu bixiyo,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili ay weli jiraan Wasiiro kale oo u baahan in la dabagalo.