Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inuu Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Xasan Nuur khatar ugu jiro in laga saaro xubnaha Maamulka HirShabelle  ee ku tartamayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Wasiirka ayaa la sheegay inay Ilaaladiisa ku lug lahaayeen Is-rasaasayn xalay ka dhacday magaalladda Jowhar, oo ay 6 qof ku dhaawacmeen.
Guddiga Doorashadda Maamulka HirShabelle ayaa hakiyey Doorashadda, waxaana la furay baaritaan la xiriira Iska-horimaadkaasi oo ay ku lug lahaayeen Ilaalo kala taabacsanaa Wasiir Nuux.
Wasiirka ayaa la sheegay inuu rabshado ka dhex abuuray Hoolka cod-bixinta kadib, markii looga guuleystay Doorashadda oo ay ku tartamayeen Musharax Axmed Sheekh Nuur Tima-cade.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Musharax dagaal ka kiciyey goobaha Doorashadda, waxayna Guddiga Federalka ee Doorashadda ka mamnuucday inuu isa soo sharxo iyadoo Musharax u taagnaa xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka K/Galbeed uga mid noqon lahaa Barlamaanka Federalka.
Musharaxaasi ayaa laga mamnuucay inuu ka mid noqdo Barlamaanka Federalka, kadib, markii ay Ilaaladiisa 6 qof ku dileen magaalladda Baydhabo.
©Radio Dalsan