Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, Suleymaan Ciise Axmed “Xagla-toosiye†iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay booqasho ku tegeen caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Wakaalladda Wararka Masar ee ONA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inay Wafdigaasi muddo dhowr maalmood joogi doonaan Masar, iyagoo Kulamo la yeelan doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar.
Kulamadaasi ayaa lagu sheegay in looga hadlayo sidii ay Dowladda Masar taageero ugu fidin lahaayeen Maamulka Somaliland.
Dhinaca kale, Warbaahinta Masar waxay Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland ku sheegaan inuu yahay Wasiirka Caafimaadka ee Somalia iyo inuu la socday Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka soo ambabaxday magaalladda Addi Abeba.
Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay Masar kama hadlin Safarka Wafdiga Maamulka Somaliland,  kama qeyb gelin Shirka  Wafdiga Somaliland iyo Madaxda Masar ku dhex marayo magaalladda Qaahira.
Waxaa kaloo kala caddayn Mowqifka Dowladda Masar ee ku aadan Qaabilaadda Wafdigaasi, inkastoo ay horey u sheegeen inay Masar ka soo horjeedo in la kala qeybiyo Jamhuuriyadda Somalia.
©Radio Dalsan