Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay Khilaadka dhinaca Waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda iyo dowlad Goboleedka Puntland.
Goodax Barre ayaa marka hore u jawaabay ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaanada Puntland oo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.
Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.
“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka†ayuu yiri wasiir Goodax Barre.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay inay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.
Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray Khilaaf xoog leh oo u dhexeeyay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, waxaana Khilaafkan uu la xiriiraa dhinaca Waxbarashada gaar ahaan Arrimaha Imtixaanaadka.