Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhisballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysaqarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.
Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada siwanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ayka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurkaCOVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeelxumo.
Tala-bixiyahacaafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inayqaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo u muuqda mid kusii faafaya gudaha Magaalada Muqdisho.
“Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halisah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofkuneefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeriâ€, ayuu yiri Dr.Fuje.