Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fawziya Abiikar Nuur ayaa waxa ay saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka, taasi oo hagi doonta dhammaan hawlaha laxiriria Tallaalka.
Siyaasadani waxa ay qayb wayn ka qaadanaysaa horumarinta iyo bixinta adeegyada tallaalka la xiriira ee la siiyo carruurta Soomaaliyeed.
“Tallaalku wuxuu muhiim u yahay dalkeena maadaama ay ku badan yihiin cudurrada faafa ee laga hortagi karo haddii lahelo tallaaladii ku haboonaaâ€. Ayay tiri Marwo Fawziya Abiikar Nuur.