Allaha unaxariistee Waxaa galabta aas qaran Muqdisho loogu sameeyey wasiirkii howlaha guud Cabaas Sheikh Cabdullaahi Siraaji oo xalay lagu dilay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa ka qeyb galay aaska marxuumka ra’isul wasaaraha xukuumada, xildhibaano, wasiiro iyo ehelka marxuumka, kaasi oo galabta lagu aasay qabuuraha isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.
Dhamaaan madaxda iyo dadka ka qeyb galay aaska ayaa marxuumka alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadii fardowso, umada soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxayne samir iyo iimaan alle uu ka siiyo.