Wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte iyo Duqii Magaaladaas.
Liibaan Cabdi Nuur (Burisow) oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Buulo-burte ayaa si KMG ah loogu Magaacabay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi.
Sidoo kale Wareegtada ka soo baxay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle oo ku taariikheysan 6-ka Bishan October ayaa waxaa xilkii looga qaaday Duqii Degmada Buulo-burte Maxamed Fiidow Cawaale.
Dhammaan hay’addaha amniga iyo shacabka Buulo-burte ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Liibaan Cabdi Nuur (Burisow) si uu u guto Waajibaadkiisa Shaqo.
Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista.